Mareeg Media
Somalia

XOG:-Sheekh Shariif oo isaga baxay Magalada Muqdisho

Xog ay heshay Shabakadda Wararka Mareeg.com ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran uu Maalin ka hor isaga baxay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa wararku sheegayaan in uu aaday dhinaca dalka Uganda halkaas oo ay qoys u degan yihiin,waxaana ka bixitaankiisa Muqdisho loo sababeynayaa dhowr arrimood oo kala ah.

1:In dad u badan Siyaasiyiin uu dhaleeceyn xoogan uu kala kulmay,kadib markii uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay awood dalka uga saarayaan.

2: in talooyin ay u soo jeediyeen Xubno kamid ah Madaxda Madasha Xibiyada Qaran oo ku aadan in xoogaa nasasho ah uu kusoo qaato dalka dibadiisa maadaama maalmahaan uu galay xaalad siyaasadeed oo jahwareer ah.

3: iyo in uu dalka Uganda u tegay howlo isaga u gaar ah maadaama dalka Uganda ay u degan yihiin Xaas iyo Carruur

Sheekh Shariif oo ahaa Siyaasiyiinta ugi degan kuwa Soomaalida ayaa bilihii u dambeysay waxaa uu ku hadlayay erayo xataa ay ka caroodeen taageerayaashiisa,waxaana la aamin san yahay in uu dabada ka riixayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!