XOG: Sedax Qeeyb Oo Ciidanka kamid ah  Dartood Muqdisho Qarax kama dhici karo !

Read Time:1 Minute, 48 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Ciidamo boolis ah oo ka kala socda wadamad, Nigeria, Ghana, Sierra Leone, Kenya ,Zambia iyo Uganda ayaa jooga soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho.

Boliiskaan ayaa shaqadooda waxaa ka mid ah tababar siinta booliiska soomaaliyeed oo ay barayaan qeybaha kala duwan ee culuumta booliska Sida ka hortaga rabshadaha , Badbaadinta Qaraxyada, ilaalinta wadooyinka, ilaalinta Caasimada, iyo Ilaalinta hantida dowlada iyo goobaha Hey’adaha dowlada.

Waxa ay sheegeen Ciidamadan oo hoostaga AMISO inta ay caasimada ku sugnaayeen inee Booliska qeeybihiisa kala duwan u taba bareen Toro gaareeysa  4,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed kuwaas oo leh tayo Aad u sareysa.

Warbaahinta MAREEG.COM OO La xirirtay Xafiiska AMISOM ee dhanka tababarada ciidamada Nooma Suuragalin inaan helno, Ilo u dhaw Xafiiska ayaa mareeg u sheegay ineey jiri karaan tira kabadan 4,000 oo askari oo loo tababa baray Boliska soomaaliyeed, Sidoo kale sargaalkan oo Naga codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa Xaqiijiyay ineey AMISOM tababa bartay Cotub ka tirsan baliiska soomaaliya  kuwaas oo loo carbiyay ladagaalanka argagaxisada, Waxuuna Raaciyay hadii sidii loogu tala galay loo isticmaalo ineey Kooxa Qaraxyada fuliya ku dhici karin ineey qaraxyo geeystaan .

Su,aal aan aan weydiinay intooda badan wuu ka gaabsaday Balse waxuu Ku jawabay ineey jirto in Saraakiisha somaalida ay Misaaniyada ciidankaas u isticmalaan Hab Ka duwan habkii loogu tala galay cidankii ay tabareena uuna u howl galin Sidii qorsha ahaa .

Baaritaanka intaan wadnay waxaa Soo baxday in Hey’ada sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed ee NISA iyano jirto Balse ciidankeedu Xukuumada ay ku dartay Booliska oo  dowlada ayaa Baabi’say Ciidankii NISA ee Hubeeysnaa ee  Ka howl gali jiray caasimada , Dhanka kale Ciidanka Gaarka ah ee ka hortaga Weerarada Ee loo yaqaano Alfa Group Ayaana biryahaan Dambe u howl galin Sidii lagu yaqaanay .

Arimahaan iyo kuwa kale oo la uruuriyay ayaa ka dhigan in isku dhex yaac Dhanka ciida ka amaanka ah uu jiro Iyo qeeyba badan oo laga gaabiyay , Waxaa in laxusa mudan Dadaalada dowlada ee ku aadan amaanka , lakin Waxaana meesha laga saari karin qaladaadka Hey’adaha amaanka iyo Gaabiska dhaxdooda ka jira .

Hadaba maxaa cashir looga baran la,yahay weerarada Halka qaab ay u Fuliyaan kooxda Shabaab?

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %