Xog rasmi ah: Aragti siyaasadeedka Maamulka Puntland iyo shaxda ay dooneyso sanadka 2016 (Aqriso) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xog rasmi ah: Aragti siyaasadeedka Maamulka Puntland iyo shaxda ay dooneyso sanadka 2016 (Aqriso)

Maamulka Puntland ayaa diyaariyay qorshe horu dhac ah oo talo soo jeedin ku saabsan qaabka qeybinta kuraasta xildhibaanada Baarlamaanka sanadka 2016, iyadoo dalka la rajeynayo in doorasho ka dhacdo.

Aragti siyaasadeedkan ayaa Puntland ku dooneysaa inay ku hor dhigto wada hadalka dowladda Soomaaliya la yeelaneyo dhowaan ama shirka Copenhagen ee dhowaan dhici doona kaasoo la doonayo jeexo khariirad cusub (Road Map) sanadka 2016.

waa kan  nuqul ka mid ah qoraalka talo soo jeedinta ee aragtida siyaasdaeed ee Puntland dooneyso, iyadoo dooneysa in nidaamka 4.5 meesha laga saaro, laguna bedelo Goboleysi, sidoo kale waxay soo jeedineysaa in Muqdisho oo ah magaala madaxdii dalka in kuraasteeda lagu qeybiyo 4.5.

Sidoo kale arrimaha ay daliishanayaan in aanay doorasho ku dhici karin sanadka ayay ku tilmaameen Amniga Koofurta Soomaaliya oo aan hagaagsaneyn, dadka Koofurta oo aan khibrad u laheyn nidaamka dimoqraadiyada iyo doorashooyinka, sharciyada doorashooyinka oo aan diyaar aheyn iyo dadka degan Koofurta oo dib u heshiisiin u baahan.

Qaabka qeybinta kuraasta Baarlamaanka ayay ku taliyeen in 18-ka gobol min 12-xildhibaan laga soo doorto gobol walba, maadaama dastuurka qabyada uu dhigayo in 225 Xildhibaan ay noqdaan Baarlamaanka sanadka 2016.

Hadaba nuqulka aragti siyaasadeedka iyo shaxda ay wadato Puntland oo ay heshay Jowhar.com halkan hoose k aqriso:-

 

United Nations Assistance Mission in Somalia

UJEEDDO: TALO SOO JEEDIN                                                            Tixraac warqad No xxxxxxxxxxxxxxxxxxx

Anagoo ah dowlad goleedka Puntland ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya waxaan halkan ku soo jeedinaynaa qaabka qaybinta kuraasta xildhibaanada dalka si loo helo awood isku dheeli tiran anagoo tixraacayna nidaamka awood qaybsiga ee JFS iyo qaab dhismeedka awoodaha dowliga dalka ka jira , madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya, madaxweynaha

Waxaan garanay in ay haboon tahay in nidaamka 4.5 lagu badalo goboleysi maadama ay adag tahay in doorasho sax la qabto 2016 sababaha hoos ku qoran awgood.

  1. Amniga koonfurta soomaliya oo aan hagaagsanay.
  2. Dadka degen koonfurta soomaliya oo khibrad u lahayn nidaamka dimoqraadiga iyo doorashooyinka.
  3. Sharciyada doorashooyinka oo aan diyaar ahayn.
  4. Shacabka koonfurta soomaliya oo u baahan dib uheshiisiin.

Si loo suurto geliyo nidaamka dimoqraadiyada waxaa qasab ah in laga shaqeeyo afarta arrin ee kor ku qoran, sidaas darteed waxaan soo diyaarinay qaabka ay naga codasadeen maamulada somaliya ka jira iyo Dowlada Federaalka Soomaliya, waana sida hoos ku qoran.

No Gobolka Tirada xildhibaan
1 Awdal 12 xildhibaan
2 Togdher 12 xildhibaan
3 Waqooyi galbeed 12 xildhibaan
4 Sool 12 xildhibaan
5 Sanaag 12 xildhibaan
6 Bari 12 xildhibaan
7 Nugaal 12 xildhibaan
8 Mudug 12 xildhibaan
9 Galgaduud 12 xildhibaan
10 Hiiraan 12 xildhibaan
11 Shabeelada Dhexe 12 xildhibaan
12 Banaadir 12 xildhibaan
13 Shabeelada Hoose 12 xildhibaan
14 Bay 12 xildhibaan
15 Bakool 12 xildhibaan
16 Gedo 12 xildhibaan
17 Jubbada Hoose 12 xildhibaan
18 Jubbada Dhexe 12 xildhibaan
EX Beelaha Shanaad 9  xildhibaan
Total 225 xildhibaan

Waxaan kaloo talo ahaan u soo jeedin lahayn in xildhibaanada ka imaanaya beelaha shanaad waa in laga tixgeliyaa beelaha degan Puntland, Somaliland, iyo Jubaland.

Waxaan kaloo soo jeedinaynaa in xildhibaanada ka imaanaya gobolka Banaadir waa in lagu saleeyaa 4.5.

Tirada guud ee madaxda stateyada ka jira Somalia waa 8 wakiil oo madax u ah maamulada la dhisaayo ilaa laga gaaro doorasha ay dalka ka dhici doonta 2024, tirada guud ee qeybinta xildhibaana waa in markasta lagala tashadaa maamulada dalka hada ka jira sida Jubaland , Somaliland iyo Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!