Mareeg Media
Somalia

XOG:- Qowmiyadaha dhulkooda ku dhiban Soomaalida, Kurdiyiinta, iyo falastiniyiinta.

11

Khilaafka ugu badan ee dhuleed ama xuduud beenaad ee qarnigaan jira waxaa sameeyay dowladihii wax gumeysan jiray ee dunidaan soo maray, Dhulalka la isku haysto ee dunida ka jira waa xariiq beenaad uu ingiriisku sameeyay.
Dowladdii ingiriisku waxa ay kala geysay dad wada dhashay, waxa ayna isku dartay dad aan waxba wadaagin waxna aysan ka dhaxayn.
Sedaxdaan qowmiyadood ee hoos ku xusan waxa ay kamid yihiin dhibanayaasha ingiriiska ee aan weli soo kaban.

•Kurdish/kurdiyiinta:
Dadka kurdida:25-35M.
18M turkyga, 8M iiran, 5-6M ciraaq, 2M suuriya. Ku dhawaad 2M ayaa dunida inteeda kale ku nool.
Kurdiyiintu 98% waa muslimiin sunni ah. 2% waa shiico.

Kurdiyiintu waa qowmiyad kamid ah kuwa ugu hal abuurka iyo kartida badan qowmiyadaha dega bariga dhexe laakiin dhulkoodii waxaa lagu kala deray, syria, iraq iyo Turky ga.
Kurdiyiintu waa qowmiyadda 4aad ee ugu badan bariga dhexe.

Waxaa xusid mudan in kurdiyiintu leeyihiin dhulka ugu hodansan bariga dhexe, waana dhulka shidaalka ugu badan laga soo saaro.

•Falastiiniyiinta:
Dadka Falastiiniyiinta: 14M.
5M kaliya ayaa ku nool dhulkooda hooyo ee falastiin, inta kale dunida ayay qaxooti ku yihiin.
Qaxootiga ugu badan ee falastiiniyiinta waxa ay ku nool yihiin bariga dhexe iyo galbeedka yurub.
Falastiiniyiinta 80-85% waa muslimiin sunni ah.

Falastiiniyiintu waa qowmiyadda ugu aqoonyahansan dunida, waa kuwa ugu hal-abuurka badan, waa qowmiyadda dadkeedu ugu naxariis badanyihiin dunida, waana tan keentay maanta in dadkii ay dhulkooda qaxootinimada ugu soo dhaweeyeen ay xoog ugu sheegtaan.

•Soomaalida:
Dadka soomaalida: 28-30M
Dhulkii laysku dhihi jiray jamhuuriyadda waxaa ku nool 15M.
Soomaali galbeed: 8 ilaa 9M.
NFD: 2.4-3M.
Djabuuti: 700,000K.
Waxaa jira tira badan oo soomaali ah oo qaxooti dunida ku ah oo aan la hubin tiradooda, Inta ugu badan waxa ay ku noolyihiin bariga dhexe, yurub iyo waqooyiga mareykanka.
Soomaalida 100% waa muslimiin sunni ah.

Soomaalidu waa qowmiyad kamida qowmiyadaha ugu tirada badan ee dega bariga afrika, waa qowmiyadda ugu geesisan dunida, waa tan ugu garashada iyo ilbaxnimada badan qowmiyadaha dega afrika. Sidoo kale soomaalidu waxa ay leedahay dhulka ugu hodansan dunida.

Dowladda ingiriiska ayaa dhulkii soomaalida midna ethiopia siiyay, midna kenya mid fransiis ku sadaqeysate.
Intii amarkiisa diidana ilaa hadda nasiino iyo nolol may helin.!!!

Waxaa xusid mudan in sedaxdaan qowmiyadoodba ay eersanayaan ingiriis oo dhulkoodii bixiyay.!!!

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!