
Muqdisho (Mareeg news ) Ciidanka ka socda Dalka Uganda eek u jira howlgalka AMISOM ayaa ka cabanaya nolol aad u liidata oo ku heysata furumaha dagaalka ee Soomaaliya.
Wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa wareysi la yeeshay qaar ka mid ah askarta oo si dhab ah uga sheekeeyay waxa ku heysta gudaha Soomaaliya.
Nolisha adag ee ku heysata furunta hore ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa ka mid ah; adeegga raashinka oo dib u dhaca,musqulo iyo Saabuun la’aan.
Askari ka mid ah howlgalka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in marka ay doonayaan in ay raashin karsadaan ay qoryaha lagu karsado raashinka ka doontaan duurka,halkaas ay kala kulmaan Qatar dhinaca amaanka ah.
Waxaa uu sheegay in geerida ay qof kasta sugeyso laakiin,marka aad ogtahay in aad dhimaneyso waqti dhow ay dhibkeeda iyo walwalkeeda leedahay,gaar ahaan gacanta AL-shabaab oo ay dagaal kula jiraan.
“Halkan dhimashada waxaa ay kuu jirtaa kaliya hal daqiiqo,sababta oo ah ma taqaanid cidda aad la dagaaleyso,sababta oo ah cadowga iyo dadka rayidka ah ayaa isu eg”.
Waxaa la joogaa qatiga cashada laakiin Odongo,kama soo boxo qolka uu ka degganyahay xerada, hoos ayuu ka xirtay,waxaa uu ka fakarayaa xusuusta qoyskiisa oo uusan ka warqabin.
Saddex bilood ka hor ayaa la siiyay mushaar,kaddibna ma arag wax mushaar ah,waana la joojiyay isaga oo aan heysan sharaxaadda sababta loo joojiyay.
Odongo,waxaa uu yiri “waxaan halkan joogaa lix bilood,mana sugi karo xilliga aan dib ugu laaban lahaa dalkeyga”.
Waa 36 jir,waxaa dagaal ku jiray waxbadan inta uusan iman Soomaaliya,waxaa uu sheegayaa in ay Soomaaliya ka duwan tahay meelihii uu ka soo shaqeeyay.