Xog: Nabadsugidda oo qalab kala duwan ka qaaday guriga Xasan Daahir Aweys

Muqdisho – Mareeg.com: Xog ay heshay Mareeg Media ayaa muujineysa in ciidanka Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya xilli habeen ah u dhaceen guriga lagu hayo Xasan Daahir Aweys oo xabsi ku jira magaalada Mqudisho.

Arintaan ayaa timid markii dhawaan Xasan Daahir uu soo saaray cajal cod ah oo uu ku dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka, sidoo kalana sheegay in dalka Soomaaliya ku jiro gumeysi.

Ciidamada Nabad Suggida oo saq dhexe oo habeen ah u dhacay hoyga Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa waxay ka qaateen qalab kala duwan oo ay rumesan yihiin inuu u sahlay inuu warbaahinta la soo xiriiro.

Nabad Suggida waxay hoyga Sheekh Xasan Daahir Aweys ka qaadatay Laptop, Mobile, Internet iyo Television uu daawanaayay.

Xasan Daahir oo kazoo baxsaday Alshabaab ayaa muddo ku dhow sanad xabsi ku jira, waxaana markii dambe loo wareejiyey xabsi guri.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245