Mareeg.com:Sida ay Mareeg Media ay u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dowladda Soomaaliya, waxaa la filayaa in xilka laga qaado gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kaasoo kurisigaas fariistay dhamaadkii bishii Febaraayo ee sanadkan 2014.
Ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan qorsheynayo inuu booska ka wareejiyo Muungaab, islamarkaana xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada loo kala dhiibo labo mas’uul.
Sababta Muungaab looga qaadayo xilka ayaa loo badinayaa iney tahay hanqaltaag la sheegay inuu ku jiro oo ah inuu doonayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha marka laga gaaro sanadka 2016 oo la filayo iney dhacdo doorsho madaxweyne.
Waxaa la hadal hayaa in xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabi doono ninkii sida kediska ah Golaha Wasiiradu xilka uga qaadeen C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda, halka duqa magaalada loo saadaalinayo qof kazoo jeeda beesha uu ka dhashay Muungaab.
Jen. Muungaab ayaa intii uu hayey xilka gobolka Banaadir ku guuleystay inuu dhamaan meesha ka saaro gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir oo markii hore qaab maleeshiyo ku yimid xilalka ay hayeen, wuxuuna intooda badan ku badelay dhallinyaro wax bartay oo ku beel ah, inkastoo degmooyinka Waabari, Xamara-weyne iyo Shangaani laga qaaday beelihii horay gudoomiyaha uga noqon jiray.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.