Xog: Midowga musharixiinta oo saddex qaybood u kala jabay iyo xogo ka soo baxaya

Read Time:1 Minute, 21 Second

Ilo xogagaal ah  una dhuundaloola arrimaha siyaasadda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada 2021 ay u kala jabeen saddex kooxood kadib muddo dheer oo ay isku koox ahaayeen.

Kala qaybsanka musharixiinta iyo saddexdaan kooxood ee ay kala noqdeen ayaa waxaa la sheegay inay la xiriirta isugu dhowaanshaha hab qabiil ahaan ah iyo qaar isugu dhawaaday isbaddel doon dhiig cusub ah ama siyaasiin cusub ah.

Xubnaha musharixiinta ah ee kala ah Maxamed Siiriin, Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinuur Maxamed ayaa la sheegay in sameysteen isbaheysi cusub kadib kulan ay dorraad ku yeesheen Nairobi. Murashaxa kale ee Dr. Cabdinaasir Cabdulle oo kulankaasi qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in uu ka cudurtaaday isbaheysigaas inkastoo uu ku jiro mid kale.

Dhanka kalena, siyaasiyiin ay kamid yihiin musharax madaxweyne Daahir Sheekh Maxamuud Geelle, Dr. Cabdinaasir Cabdulle, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankooda sameestay isbaheysi cusub, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre ay dhankooda noqdeen isku dhinac.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ka cudur daartay isbaheysi cusub oo laba jeer loo soo bandhigay waxaana la sheegay in uu kaligiis yahay Murashax taagan inkastoo uu ugu dambeyn ku qasbanaan doono in uu isbaheysi sameesto. Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah Murashax kaligiis taagan oo aan isbaheysi qeyb ka aheyn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Axaddii noqday musharax kaliya ee si cad uga soo horjeestay go’aanka guddiga uu magacaabay Rooble ay 34 xubnood uga saareen guddiga doorashada, isaga oo dalbaday in dhammaan 67-ka xubnood laga saaro, halka inta badan musharaxiinta ay soo dhoweeyeen ama ka aamuseen.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.