Mareeg Media
Somalia

Xog:- Maxaa Iska Badalay Hardanka iyo Muqaalka Siyaasadeed Ee dalka? (Guuldarada Hordhaca ah ee Farmaajo!)

12

Doorashadii ka dhacday baydhaba waxa ay ahayd wax lagu qiimeynayo hab-dhaqanka iyo muuqaalka saxda ah ee xukuumadda kheyre iyo farmaajo ay hogaaminayaan.
Doorashii baydhaba kadib dadka dowladda taageersan iyo kuwa mucaaridsan habka wax loo wado waxa lagu gartay halka ay u socdaan raggaan hadda talada dalka haaya.

Sida lawada ogyahay waxaa jira dagaal ama khilaaf siyaasadeed oo ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo maamulada qeybta ka ah dowladda federalka ee dalka kajirta.
Waana tan keentay in la sameeyo isbahaysi ka dhan ah dowladda dhexe.

Cabdiweli gaas waxa uu ahaa ninkii sida saxda ah dowladda ula dagaashanaa, asigaana hogaaminayay isbahaysiga.
Dowladdu waxa ay ku guuleysatay in ay meesha ka saarta shariif xasan wada hadal dhaqaale oo dhaxmaray xukuumadda iyo shariif xasan, sidoo kale waxa ay heshiis la gashay madaxweynaha hirshabeelle mr waare.

Maxaa dhacay kadib..?
Dowladdu waxa ay aad isugu dayday in ay puntland geyso nin ayida ka socda. Laakiin sidii baydhaba may noqon, waayoo tii baydhaba ayaa mucaaridka baray cashir lama ilaawaan ah.
Gaas wuu baxay laakiin waxaa yimid nin kamida golaha fulinta ee xisbiga PDP ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee xasan sheikh

Waxa lays weydiinayaa yaa xigi doona…?

Sida muuqata maamulka xigi doona waa galmudug state.
Waxaa xilka iska casili doona labada bil ee soo socota mr XAAF oo ay dowladdu ku qancisay dhaqaalo gaaraya 4M oo dollar, kadibna dowladdu waxa ay dooneysaa in ay puntland geyso nin villa somalia ka socda.
Waxaa xusid mudan in xisibiyada mucaaridka ah sida UPD iyo HIMILO QARAM ay wattaan ragga ugu cad cad in ay maamulkaa la wareegaan.
Ragga tartamaya waxaa kamid ah cabdisamad macalin maxamuud iyo cabdiraxmaan odawaa, waana ragga hadda labada xisbi miiska u saaran.

Hirshabeelle
Waxaa jir qorshe ay PDP iyo Himilo qaran doonayaan ah in waare meesha laga saaro oo sanbalooshe meesha la geeyo.

Jubaland
Sida wararka qaar sheegayaan 90% waa ninka kaliya ee soo noqon doona. Wuxuu taageer buuxda ka haystaa madaxweynihii hore xasan sheikh maxmauud.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!