Xog: Madaxweynaha Puntland oo Hotel kuwa Raaxada ah ka iibsaday magaalada Nairobi

Xog: Madaxweynaha Puntland oo Hotel kuwa Raaxada ah ka iibsaday magaalada Nairobi
Read Time:1 Minute, 10 Second

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa Hotel kuwa raaxada ah ka iibsaday caasimadda Nairobi ee dalka Kenya sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Saciid Deni ayaa iibsashada Hotelkan waxa uu ku howlanaa Shantii bilood ee ugu dambeysay waxaana xogtan dusiyay mid kamid ah kuwa ugu caansan ee kala iibiya guryaha kaa oo diiday in magaciisa warbaahinta loo adeegsado.

Lacagta uu ku iibsaday Hotelkan ayaa waxaa lagu qiyaasiyay inkabadan 2 Million oo Doller waana lacagta loogu talagalay in wax loogu qabto dadka iyo iyo deegaanada Puntland ee siyaabo kala duwan ku soo gashay.

Hotelkan uu iibsaday Saciid Deni ayaa waxa ay dhaawici doontaa sumcadiisa siyaasadeed iyo midiisa hogaamineed ee hadda uu ka hayo maamulka Puntland.

Waxaa xusid mudan in deegaanada Puntland ay ka jirto sicir barar aad u xoogan oo saameeyay dadka iyo duunyada iyadoo waliba ay intaasi u dheertahay duruufo amni oo ka taagan deegaano badan oo katirsan Puntland.

Kooxda daacada u ah Saciid Deni ee katirsan madaxtooyada Puntland ayaa sidan oo kale waxey lunsadaan lacagta loo qoondeeyay Puntland iyadoo ay xusid mudan tahay in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda Puntland aysan qaadan wax mushaar ah 5-tii bil ee ugu dambeysay.

Waxaa magaalada Nairobi aad looga hadal hayaa Hotelkan uu iibsaday Saciid Deni ee ah kuwa raaxada isaga oo ah madaxweyne maamul goboleed walina ay taagan yihiin duruurfo adag oo deegaanka ah taa oo fajaciso ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %