Xog: Madaxtooyada Puntland oo Mucaaradka Muqdisho ku wareejineysa hub iyo gaadiid dagaal

Maamul Goboleedka Puntland ayaa qorsheynaya in hub iyo gadiid dagaal ay u soo dhiibaan mucaaradka dowladda Federalka Soomaaliya si ay ugu dagaalamaan.

Hubkan oo dhawaan ay Puntland yeelatay waxaa magaalada Gaalkacayo ka iibiyay wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Hubkan ayaa la ogeyn halka la soo marsiin doono Bad iyo cir iyadoo dowladda Federalka ay arrintan aad uga war qabto.

Ujeedka Madaxtooyada Puntland ayaa ah iney magaalada Muqdisho dagaal sokeeyo galiso islamarkaana ay sidaas ku burburto iyadoo uu damacsanyahay Deni inuu Madaxweyne Farmaajo ka takhaluso.

Arintan waxaa loo xilsaaray guddi ka shaqeeya hubka ay dooneyso Madaxtooyada Puntland iney u gacan geliso mucaaradka Soomaaliya kuwaa oo kala ah, waxaana  loo xilsaaray
1. Wasiir Xasan Shire Abgaal
2. Xasan Cabdullahi Deni
3. Cabdikariin Xuseen Guure (Shaacuur) .. Uqaabilsanaha Aaranjaan ee gobolka Mudug.
4. Cali-Siciid Cabdulqaadir Jaamac (Saciid-Faadi) Mareeya Dekadda Garacad

Shaqsiyaadkan Kuligood Waa kooxdii Jaamac Cali Jaamac ee xiriirka dhow la lahayd Dawladdii Carta, xukuumada Deni waxay si gaar ah ugu xirantahay koox mucaaradka ka mid oo waagaas xiriirkooda soo bilowday.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xiriir qoto dheer waxa uu la leeyahay kooxda Damul Jadiid oo ay iska kaashadaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha hubka oo kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa noqday jid iyo jiha diid isagoo hor taagan inuu dalka doorasho galo taa badalkeedna ka shaqeynaya in Muqdisho uu ka bilowdo kacdoon kursiga looga tuurayo Farmaajo.

Xasan Shire Abgaal

 

Xasan Cabdullahi Deni

 

Cali-Siciid Cabdulqaadir Jaamac (Siciid Faadi)

 

Cabdikariin Xuseen Guure (Shaacuur) U qaybsanaha Aaranjaan ee gobolka Mudug