XOG: Maamulka Hirshabeele Ma Qeeyb kamid Ah baa xafiiska RW Kheyre?. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XOG: Maamulka Hirshabeele Ma Qeeyb kamid Ah baa xafiiska RW Kheyre?.

Muqdisho ( Mareeg News ) Maamulka Hirshabeele oo ah mid kamid ah maamulada Federralka ayaa waxaa soo if baxaya in uu maalmahaa danbe si toos ah u hoos tago xafiiska RW soomalia.

Xildhibaanada Dowlad gobledka hirshabeele dhamaantood waxeey daganyihiin magaalada muqdisho sidoo kale shaqaalaha maamulka wasiirada iyo xubnaha maamulkan ugu sareeya ayaa dagan caasimada.

magaalada jowhar oo uu maalmulkan ku shaqeeyo waxeey iskugu aruuraan markuu barnaamij jiro.

madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mr cusuble  ay xukuumada xilka katuurta kadib markii uu isku dayay furitaanka Dakada Ceel-macaan, Dakadan oo maasfo yar u jirta caasimada muqdisho ayeey xukuumadu u aragtay hadii la furu ineey caqabad ku noqon doonto dakada muqdisho.

tusaale badeecada muqdisho kasoo tagata hadeey tahay canshuurteeda $500 waxaa shaki ku jirin in ceel macaan noqoneeyso $300  caasimada iyo ceel-macaan oo aan maasaafo badan isku jirin ayaa suurgal ka dhigi karta ineey xeranto dakada muqdisho oo ay ku tiirsantahay doowlada dhexe.

Dowlada federralka oo Qarashka ay siiso dowlad goboleedyada, kan ugu yar ku bixisa hirshabeele ayaa hadana waxaa muuqanaya ineey caqabad ku tahay kaabayaasha dhaqaale ee maamulka hirshabeele.

dhanka kale dhulka maamulka hirshabeele oo qayaastii  75% Ku jira gacanta Dhaq dhaqaaqa alshabaab tan iyo xukuumadii hore wax horumar ah lagama sameeyn.

bulshada hirshabeele oo ku dhiban Fatahaada webiga daadka roobabka, cuna yri, biyo la’aan, Waxbarasho la’aan iyo hooy xumo ayaa hada u muuqan maamul ka samata bixi kara dhibaatooyinkaas ku gadaaman.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!