Xog ku saabsan qaraxii xalay ka dhacay meel ku dhow hotel City Palace

Muqdisho – Mareeg.com: Saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax gaari oo xalay ka dhacay afaafka hore ee hotelka City Palace ee degmada C/cziiz ee magaalada Muqdisho, kaasoo qof ku dhintay, saddex kalana dhaawac kazoo gaaray.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed ayaa sheegay inuu fashlimay weerarkaas oo uu xusay in Alshabaab doonayeen iney dhibaato badan ku geystaan.

Taliyaha ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya, Bashir Mohamed Jaamac (Bashiir Goobe), xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa la sheegay iney ku sugnaayeen Hotel City Palace markii qaraxu dhacayey.

Afhayeenka ciidanka Booliska Qaasin Ahmed Roble ayaa VOA u sheegay in qarax uu dhacay qiyaas ahaantii 8-dii habeennimo xilli taliyaha iyo saraakiil kale oo ay ku jiraan xildhibaanno ay ka baxayeen hotel-ka.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxan inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen saddex qof oo midi uu askari yahay, labada kalena ay shacab yihiin.

Qaraxan ayaa yimid saacaddo yar kaddib markii taliyuhu uu warbaahinta u sheegay inay heleen macluumaad sheegaya in al-Shabab ay damacsan tahay inay qaraxyo fuliso.

Waa weerarkii 3-aad ee Alshabaab muddo hal todobaad ah ka geystaan Muqdisho, iyagoo arbacadii qarax la beegsaday taliyaha ciidamada Somalia, General Daahir Indho-Qarshe, halka sabtidii la soo dhaafay ay weerar ku qaadeen baarlamaanka Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245