XOG:-Khilaaf sababey in Baasaboorka laga xanibo Kulane Jiis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XOG:-Khilaaf sababey in Baasaboorka laga xanibo Kulane Jiis

Xogo hoose ayaa muujinaya in uu khilaafka meel sare gaarey kadib Cabdulahi Adan kulane, Jiis iyo Teliyaha Dabagalka NISA  Cabdahi Dheere ay isku maan dhaafeen sida laga yeelayo mucaaradka dowladda.

Jiis ayaa lasheegey in uu ku eedeeyey Teliyaha Dabagalka in uu ka gaabiyey howlihii loo ig madey ee ahaa in mucaaradka Dowlada ladhimo awoodooda isla markaana la adeegsado hab kasta si looga faaideysto mudada kooban ee Dowladu haysato.

Teliyaha Dabagalka ayaa lasheegey in uu ka caroodey hadalka Cabdullahi kulane oo ah sarkaal awood badan  ugana digey in uu faraha lasoo galo howlihiisa shaqo hayeeshee Kulane Jiis ayaa lasheegey in uu ku jees jeesey Sarkaalkan taas oo sababtey in halkaasi hadalo kulul laisku dhaafsado.

Teliyaha Dabagalka oo ah sarkaal wajiyo badan kana tirsan CIA-da ayaa lasheegey in Teliye kulane ka xanibey Baasaboorkiisii mareykanka ahaa  isagoo ku hanjabey in uu dibada keeni doona danbiyada uu galey Cabdullahi Adan Kulane.

MD Farmaajo ayaa lasheegey in uu soo dhexgaley arintaas isagoo ku amrey Kulane Jiis in uu raali gelin kabixiyo hadalada hase yeeshee Fahad yaasiin ayaa lasheegey in uu daawade ka noqodey is qabqabsiga saraakiishan

Maxaa muuqata in mad madow soo kala dhexgaley madaxda sare ee Hay’da NISA xilli dalka uu galey xaalad hubanti la’aan ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.