Mareeg Media
Somalia

XOG:- Hal Sabab Oo ay Dowlada Federalka Ugu dhici weysay Faragelinta Doorashada Puntland!

15

maamulka Puntland oo soo saaray warqado oo  ay Shaqaalaha Dowlada federalka iyo Lacagta Bangiyada in lasoo saaro ku mamnuceen ayaa iyana aheeyeed arin kale oo ku cusub Dorashooyinka Soomaaliya Guud ahaan Gaar ahaan Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada.

Cashir siyaasadeed misaan culus leh ayeey puntland u meerisay dhamaan Dowlad goboleedyada kale Ee dalka ka jira.

Maamulka Puntland Ayaa shalay 7 january madaxweyne u doortay Saciid Abdulahi Dani oo ay dadka puntland ku naaneysaan Aabaha Waxbarashada Puntland , Dorashadan oo aad uga duwaneed dorashooyinkii Dowlad goboleedyada ee dalka ka dhacay ka hor dorashadan, kuwaa oo ay ka dhex muuqdeen murashaxiin lagu tirinayay in ay tageereyso  dowlada Federralka Somalia oo qaarkoodna  ay ku guleesteen Kuraasta.

WAA MAXEEY SABABTA DOWLADA FEDERALKA AY U FARAGELIN WEYSAY DOORASHADA PUNTLAND. ?

Dhowr arimood oo is biirsaday ayaa sabab u ah in dowlada federalka ay ku dhiiran weeyso faragelinta Dorashada puntland hasa yeshee Falqeeyayaasha Siyaasada soomaalida ayaa ku sifeeyay labadan arin .

1-In puntland Ay Asaas u aheeyd nidaamka Federalka Sidoo kalana ay ka horeeysay dhamaan dowlad goboleedyada hada ka jirada Soomaaliya, sidoo kalana Puntland ay gacanta ku heyso Awoodaha maamulkeeda xuudadaha iyo Gudaha.

2- Isimada/ Odayaasha Puntland oo ah kutlo aad iskugu Xeran Oo awood u leh inee maareeyaan Dhamaan Dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa Bulsho ee degaanada Maamulkaas, sidoo kale odayaasha Ayaa ah geed fadhi iyo Narjac loo celiyo dhamaan arimaha Bulshada puntland.

Falanqeeyayaasha siyaasada oo aragtiya kala duwan Qabay ayaa qaar waxeey aminsanyihiin in faragelin la’aanta loo tiirin karo in madaxweynaha DF uu kasoo jeedo Puntland ugaaskiisana uu halkaas joogo, taas darteedna Uu madaxweynaha DF u diiday in la farageliyo siyaasada arimaha gudaha ee maamulka puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!