Gudoomiye Eng Yarisow raali miyuu ugayahay dhul boobka saxiibadiisa Shaqada?

Muqdisho (Mareeg News) Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa dhacay guri ku yaala Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir oo uu kiro ku degay, sida uu ku dacwooday dhibane eng asad cabdullahi Al-Katiir oo muqaal soo dhigay baraha bulshada.

 

Wakiilka Guriga oo la yiraa Eng, Asad Cabdalla Al-katiiri ayaa faahfaahin ka bixiyey sida guriga looga haysto iyo dhibaatooyinkii uu kala kulmay gurigaasi, isagoo xitaa sheegay in Cabdifitaax Cumar Xalane uu ugu hanjabay inuu dilaayo.

Gudoomiyaha Maamulka gobalka banaadir oo baryahaan waday dadaal ay bulshada amaantay oo ahaa in uu dadka dhulalka xooga looga heeyso uu u hiiliyo kuna wareejiyo guryahoda ayaa weli arintaan ka hadlin.

Cabdiffatah halane oo bartiisa facebook soo dhigay waraaq uu ku sheegayo ineey dacwad ka furantahy maxkamada gobolka banadir ayaa sheegay in sharciga iyo maxkamadaha dalka lagu kala baxo oo aanan leyska dacweeyn maxkamadaha xarakada alshabaab , sidoo kalana aan baraha bulshada muqaal lagu duubin.

 

Eedeynta loo soo jeediyey Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa weli la ogeeyn in ay gaartay madaxda maamulka gobolka banaadir oo weli arintaan ka aamusan .

 

Haddaba Hoos ka Daawo Muuqaalka Eng, Asad Cabdalla Al-katiiri.

HAlALKAAN RIIX SI AAD U BOOQATO BOGA HORE EE MAREG.COM OO AAD KA HELI DONTO WARAR IYO XOGO XIISA LEH.

                Riix gambaleelka ka muuqda qeeybta midig ee websetka  si  laguugu soo diro wararka mareeg.com isla marka ay soo dhacaan