XOG:- Golaha shacabka 11 Kulan Shan kun Dollar Iyo Saddex bil oo fasax ah.!

Read Time:2 Minute, 24 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Waxaa soo baxaya warbixinno hor leh oo muujinaya in Xukuumaddu u qeybisay xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku jira fasaxa saddexda bil ah iyo Aqalka Sare lacag dheeraad ka ah gunnooyinka iyo mushaarka sharciga ah. Lacagta oo lagu sheegay inay dhan tahay $1,645,000 [hal miyal lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo doolar] ayaa xildhibaannada loo qyebiyay horraanta bisha Soon. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xilligaas galay fasax aan dastuuri ahayn.

Ku dhawaad 10 xildhibaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa sheegay in xildhibaan walba la siiyay lacag dhan “$5000 oo doolar” oo lagu macneeyay inay tahay in loogu tala galay in xildhibaannadu iskaga bixiyaan arrimaha la xariira soonka. Barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da wuxuu baahiyay in lacagtaas ay dheeraad ka tahay gunnooyinka iyo mushaarka sharciga ah ee xildhibaannada labada gole.

Inkastoo xildhibaanno tiro yar ay sheegeen in aysan qaadan lacagta, haddana waxaa la rumeysan yahay in aqlabiyadda labada gole ay lagacta guddoomeen.

Lacagta waxaa bixiyay sida xildhibaannadu sheegeen xukuumadda dowladda federaalka. Waxaana qeybiyay xildhibaanno lagu soo xulay nidaamka awood qeybsiga ee 4.5 sida VOA-da ay u sheegeen Xiildhibaanno la hadlay.

Xildhibaannada qaar waxay sheegeen in ay iska diideen lacagta loo keenay oo gaareysay shan kun oo doolar. Waxaa ka mid ah Cadullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in xoolaha shacabka loo qeybinayay xildhibaannada isla markaana uu  isagu iska diiday.

https://youtu.be/OB_HRHVdXlo

Xildhibaanka oo la hadlay VOA-da waxa uu sheegay in xilliga la qeybinayay lacagtaas ay oo dalka ka jirtay musbooyin dabiici ah sida fatahaadihii Sh.dhexe iyo Hiiraan.

Xukuumadda ayuuna ku dhaliilay in canshuurtii shacabka ay u adeegsatay in lagu cuuryaayimo Baarlaamaankii la xisaabtami lahaa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaannada lacagta qaatay ayaa  ku micneeyay in loogu tala galay in bisha soon ay mudanayaashu ku qabsadaan arrimahooda gaarka ah.

Dalxa markii uu u warramayay VOA-da waxa uu difaacay qaadashada lacagtaas balse ma jirin hab dastuuri ah oo uu sheegay in ay lacagtaas ku qaateen.
Lacagahaas mudanayaasha la siiyay ma cadda halka ay ka yimaadeen oo xukuumadda ay kasoo gaareen, ma canshuurtii shacabkaa, ma dhaqaale si gaar ah bannaanka ugua yimid, mise qof baa jeebkiisa ka baxshay.

Hay’adaha amniga sida ciidamada qalabka sida dhammaantood waxa ay ka cabanayaan dhaqaale xumo iyo mushaar la’aan. Sidaas si la mid ah waxaa iyaguna cabasho qaba guddiyada madaxa bannaan sida kan dib u eegista dastuurka.

In xildhibaannadu qaataan lacag aysan xaqa u laheyn waliba ay ka timid hay’adda fulinta oo ah hay’addii la rabay in baarlamaanku oo korjoogteeyo lana xisaabtamo ayay xildhibaannada qaar ku tilmaameen “arrin aan marna ku wanaagsaneyn nidaamka dowladnimada.”

Soomaaliya oo noqotay dalka ugu musuq maasuqa badan dunida iyo in mudanayaashii shacabka matalayay ay qaataan lacag aan dastuuri aheyn isla markaana dalku ka baahanyahay waxa  ay horseedi kartaa tallaabooyin aan la mahdin oo dhaawac ku ahaan doona dowladnimada Soomaaliya.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %