Mareeg Media
Somalia

Xog:- Go’aan uu Aqbali karin Farmaajo Iyo Mudulood Oo Hurdadii ka kacay!

25

Waxaa la qorsheeyay go’aan cad oo mudulood u dhanyihiin oo lagu bedelaayo Laguna baadi goobaayo Maqaamka Caasimada iyo Xuquuqda Dadka Dagan Gobolka Banaadir.

Aragtidaas waxaa gadaal ka riixaya Oday dhaqaneedyada , dhalinyarada iyo Ganacsatada, xisbiyo Siyaasadeed iyo Hoggaanimiyaal Dalka Soo hoggaamiyay .
 

Waxaa is weydiin mudan dowladdu waxa ay ayiduna samyn doonto.

Laakiin waxaa xaqiiq ah culeyska dhanka beesha caalamka ah iyo amniga gudaha ayaa caqabad ku noqon doona dowladda hadda ka jirta dalka, waxaana taas daliil u ah in wasiirka amniga mr ducaale oo beeshan kasoo jeeda in uu codsaday in mudulood odayaashoodu taageeraan xukuumada, kadib markii laga diidayna waxaa ay la maciin biday dhalinyarada mudulood.

Dhowr dhalinyaro ayaa laysugu geeyay beach view Halkaasna Sawiro Looga qaatay  Taas oo Ujeedada ugu weynna ay aheeyn in ladhaho
Dhalinyarada mudulood ayaa dowladda taageersan.

Sidoo kale axsaabta qaar ayaa wada qorshe lagu mashquulinaayo xukuumada Farmaajo .

Waxaa intaan dheer in RW kheyre iyo Mud Farmaajo aysan kalsooni isku qabin laakiin farmaajo la’yahay qof uu aamino ee uu ku badasho booska Rw  kheyre.

Kheyre asigana wuu ogaaday inuu yahay nin aan sii joogi doonin, Sidaas Awgeed kheyre iyo ku xigeenkiisa mahad guuleed ayeey warar hoose sheegayaan ineey xisbi siyaasadeed  ayay soo wataan Kaas oo ay doonayaan ineey Gooni iskugu taagaan maalmaha doorashada .

Mud. Farmaajo oo markiisa hore aaminsanaa in muqdisho ay tahay in dorasho ka dhacdo kana dhici karto ayaa hada arinkaa aaminsaneeyn waxaayna sheegayaa Rag u dhaw madaxweynaha in hadii arinkaa uu ogolaan lahaa uuna kalsooni badan ka heysan Siyaasiyiinta Gobolka Banaadir .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka fikiraya halka loo badalyo dakhliga xoogan ee gobolkaan kasoo gala DF Maadaama hadii Dadka gobolka ay hogaan doortaan Canshuurtooda iyaga mareeysan doonaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!