XOG:- Galmudug Oo Xaaladii Ugu xumeeyd Ku Jirta & cadeeymo muujinaya sababta khilaafka oo la helay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XOG:- Galmudug Oo Xaaladii Ugu xumeeyd Ku Jirta & cadeeymo muujinaya sababta khilaafka oo la helay

Cadaado ( Mareeg News ) Sarkaal ka tirsan masuuiyiinta sida gaarka ah ugu dhow Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Mareeg.com u sheegay in shaqsiga faragalinta ku haya Siyaasadda iyo arrimaha Galmudug uu yahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Madaxweyne Xaaf ayaa ku dhex jira siyaasad faraha kasii baxeysa iyadoo maalin kasta Khilaafka Madaxda Galmudug uu kasii daranayo.

 

Sarkaalka ayaa inoo sheegay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya laga fara galiyo Maamulka Galmudug, isagoo adeegsanaya Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

 

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku sugan Magaalada Muqdisho oo kasoo jeeda Deegaanada Galmudug ayaa hore Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu eedeeyay inuu ka dambeeyo Xasilooni la’aanta siyaasadeed ee Galmudug.

 

Qoraal ka soo baxay Galmudug ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda burburinta heshiiskii ay wada galeen Ahlu Sunna iyo Galmudug inay u adeegsaneyso Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo gaaray magaalada Cadaado, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale fara badan.

 

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) oo warbaahinta u aqriyay qoraalka ka soo baxay Galmudug ayaa wuxuu sheegay abaabulka xawliga ku socda wixii ka yimaada inay qaadanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Galmudug ayaa ugu dambeyn madaxda mamul goboleedyada, beesha caalamka iyo IGAD ugu baaqday inay si dhaw ula socdaan xiisada taagan, islamarkaana ka hadlaan inta aysan waji kale yeelan.

 

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta Dowlada dhexe ay wax kaga qaban la’dahay Khilaafka iyo Xiisada ka taagan Galmudug.

ku dhufo halkaan si aad u Booqato bogga hore ee Mareeg News oo laga helayo warar xasaasi ah

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

F.G: Rukumo Wararka Mareeg News  si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha.

Mareeg.com xafiiska muqdisho Email: info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!