
Qatar oo kheyre ku amartay in uu iscasilo iyo madaxweynayaasha hore ee shalay Farmaajo la kulmay oo dalbaday in ra’iisul wasaaraha la badalo.
Safarkiisii ugu dambeeyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ee uu ku tagay wadanka Qatar waxay dowladdaasi ku codsatay in uu iscasilo, maadaama mucaaradku xoogeystay in Madaxweynaha la badalo oo doorasho kale la qabtana ay dagan tahay.
Kaliya in uu iscasilo Qatar kama aysan dalban ee waxa ay usoo jeediyeen Kheyre in uusan xilka madaxtinimo isku soo sharixin, taas badalkeedana la siiyo lacag aan la xadadin oo aad u fara badan.
Mucaaradka iyagana Turkiga iyo Qatar ayaa ka dalbaday in xaaladda la dajiyo, kulankii shalay ee Saddexda Madaxweyne dookhooda kaliya ma uusan aheyn ee in ay kulmaan waxaa ku amray dowladaha iyaga kala taageera ee Qatar iyo Turki.
Qatar iyo Turki waxa ay ka walaacsan yihiin in haddii dagaalka Xukuumadda iyo Mucaaradka uu saan usii socda fursaddaas ay ka faa’iideysanaayaan Imaaraadka oo kor ka daawanaya waxa ka socda Soomaaliya