Xog:- Doowlada Norwey Oo RW Kheyre ka dhaadhicineysa In Isfahan lagu xaliyo Khilaafka bada. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xog:- Doowlada Norwey Oo RW Kheyre ka dhaadhicineysa In Isfahan lagu xaliyo Khilaafka bada.

Muqdisho ( Mareeg News )  khilaafka u dhaxeeya Dowlada soomalia iyo keenya ee Muranka bada ayaa waxaa soo if baxaya in Uu jiro wadahadal hoose, Sida ay sheegtay wasaarada arimaha dibada kenya.

Dhanka Dowlada Federalka waxaa kasoo bahay bayaan arintaas lagu beeninaayo, wakiilo ka socda dowlada norwey ayaa soo gaaray dalka Kenya Sidoo kale warka qaar ayaa tibaaxaya in xubnahan ka socdo dalka norwey ay Rw xasan ali kheyre ka dhaadhicinayaan sidii Loo xalin lahaa muranka bada iyadoo loo marin maxkamada cadaalada aduunka, oo ay Xukuumadii madaxweyne Xasan shiiq dacwadeeda geeysay maxkamada caalamiga ee Cadaalada aduunka.

Xukuumadii hore oo dadaal xoogan ugashay xalinta muranka bada ee soomaliya iyo keenya u dhaxeeya kaas oo ay kenya ku sheeganeeysay qeeyb badan oo ka tirsan biyaha bada soomaaliya Ayaa Waxaa xukuumadan laga filaayay ineey dhaqaajiso Dacwadaas, Sharci yaqaanada Caalamka oo arintan ka hadlay ayaa cadeeyay in keenya ku hungoobi doonto Kiiskan horyaala Maxkamada Cadaalada aduunka.

Arinta xusida mudan ayaa ah in kenya ay ku doodeysay in Maxkamada laga daayo arintana ay iyada iyo somaaliya is fahan ku xaliyaan.

Madaxweyne Farmaajo oo arinta su.aal ay ka weeydiisay Laanta af-ka soomaaliga ee BBC Horaanta sandkan ayaa ka gaabsaday arintan, waxeeyna taas shaki xoogan gelisay Shacabka soomaaliyeed ee dhagta u taagayay arinta Bada.

Xukuumadan oo Arima badan oo qaladaad ah lagu eedeeyay ayaa hada waxeey lugaha la galeeysaa xaalad kaloo muraga leh.

Dastuurka soomaaliya ayaa qabo in dhulka Iyo biyaha soomaaliya ayna laheeyn wax tanaasul ah Hadii madxda arintaas lagu helana Ay wajahayaa qayaano qaran oo ay ku muteesanayaan xil kaqaadis iyo maxkamadeeyn

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!