Xog dheeraad ah oo ku saabsan muwaadin Turki ah oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Faahfaahin dheeraad ah ayaa kazoo baxeysa dil maanta agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho loogu geystay muwaadin u dhashay dalka Turkiga.

Sida uu barta Twitter-ka soo dhigay afhayeenka shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines,  Ali Genc saarkaalka la dilay ayaa ka tirsanaa shirkadda duullimaadka Turkish Airline oo tan iyo sanadkii 2012 duulimaad ku imaaneysay Muqdisho.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa lagu sheegay Saadettin Doğan, wuxuuna ahaa madaxa amaanka shirkadda diyaaradda Turkish Airlines.

“Gaari uu la socday mid ka mid ah shaqaalaha Turkish Airlines ayaa lagu weeraray Muqdisho” ayuu Ali Genc ku qoray barta Twitter-ka, isagoo nink la dilay magaciisa ku sheegay Saadettin Dogan.

Sarkaalkan u dhashay Turkiga ayaa waxaa agagaarka KM4 ku toogtay rag watay gaari, kuwaasoo aan la garan, mana jirto cid weli sheegatay dilka sarkaalkaas.

Shaqaalaha Turkiga ah ayaa in badan oo ka mid ah waxey gaadiid ku maraaan waddooyinka la is leeyahay waa amaan ee Muqdisho iyadoo aysan la socon wax ilaalo ah, inkastoo ay jiraan qaar badan oo la ilaaliyo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245