Translate to your language
Xog: DF Somalia oo joojisay aqoonsiga ID Cards-ka Mid Kamid ah Maamul Goboleedyada , cabsi darteed — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xog: DF Somalia oo joojisay aqoonsiga ID Cards-ka Mid Kamid ah Maamul Goboleedyada , cabsi darteed

Muqdisho ( Mareeg News ) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen waxay isku raaceen in la joojiyo guud ahaanba aqoonsiga kaararka maamulka HirShabelle ee lagu galo xafiisyada dowladda laguna maro wadooyinka Muqdisho.

Kaararka Wasiirada, Xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowladda HirShabelle, ayaa la sheegay in loo baahanyahay dib u habeyn ballaaran kadib markii xubno badan ay maamulkaasi ka baxeen, qaar kalane ay Al-Shabaab isu dhiibeen.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii agaasimihii madaxtooyada HirShabelle uu isu dhiibay Al-Shabaab, waxayna arintaasi sababtay shaki laga qabo aqoonsiyada HirShabelle loo adeegsado weeraro culus oo ka dhaca Muqdisho.

Goobaha laga joojiyay waxaa kamid ah Xafiisyada Wasaaradaha iyo waddooyinka horumara Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale waxaa la sheegay in qof kasta oo aqoonsigaas wata in la weydiin karo damiin hadii loo baahdo, iyadoo aan lagu qiimeyn doonin mansab iyo xilka uu leeyahay.

Xubno ka tirsan Golayaasha HirShabelle ayaa Mareeg u sheegay in lagu wargeliyay in magaalada Muqdisho laga diiday aqoonsiyada HirShabelle oo si fudud gacanta ugu galay cadawga, sida ay hadalka u dhigeyn.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amaanka oo arrintaan ku saabsan balse waxaa xogtaan nala wadaagay Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan HirShabelle.

Leave A Reply

1 Comment
  1. A A warsame says

    Talaabo wanaagsan oo la qabtay u arkaa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!