Xog: Dagaalyahannada Khalaafada Liibiya oo u tahriibaya Yurub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xog: Dagaalyahannada Khalaafada Liibiya oo u tahriibaya Yurub

Mareeg.com: Sida uu xaqiijiyey mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay, Khalaafada Islaamiga ah, qeybta dalka Liibiya ayaa dagaalyahanno iyaga ka tirsan u dira qaaradda Yurub, iyagoo ku dhex qariya dadka tahriibka ee doonyaha ka raaca xeebaha Liibiya.

Abdel-Basit Haroun oo la-talaliye sare u ah dowladda taagta darran ee Liibiya ayaa baaritaan aad u xeeldheer oo BBC sameysay u sheegay in Khalaafada Liibiya ay mintidiin iyaga ka mid ah u tahriibiyaan qaaradda Yurub, iyagoo sii raacaya doomaha dadka sharci darrada ah lagu tahriibiyo.

Warbixintaan ayaa ka yaabisay dalalka qaaradda Yurub, waxaana dalalkaasi ka cabsi qabaan in mintidiinta Daacish ee tababaran weerarro ka geystaan qaaradooda, sidii horay uga dhacday Fansiiska.

Kooxaha wax tahriibiya ayaa sheegay in Khalaafada Islaamiga ah ee Liibiya ay u ogolaato iney dadka u tahriibiyaan Yurub, iyagoo ka qaadanaya lacag dhan 50/%  (Kala-bar) dhaqaalaha ka yimaadda dadka la tahriibiyo.

Wakaaladda Xuduudaha Yurub (European Border Agency) ayaa mar sii horreysay oo sanadkaan ah ka digtay in dagaalyahanno ajnabi ah soo gelayaan qaaradda Yurub.

Guddiga Midowga Yurub (European Commission) ayaa dhawaan soo jeediyey qorshe looga hortegayo qulqulka muhaajriinta ka imaanaya qaaradaha Africa iyo Asia. Waxaa ka mid ahaa talada Yurub in awood milateri loo adeegsado kuwa wax tahriibiya oo dalka Liibiya lagu burburriyo doomaha tahriibka.

Sidoo kale, qorshaha lasoo jeediyey ayaa waxaa ku jiray in qaxootiga haatan ku gurmay Yurub ay culeyskiisa qeybsadaan dalalka qaaradda Yurub oo aan dalal gaar ah culeyska lagu gaar yeelin, arrintaas oo dooda badan dhalisay.

Todobaadkii lasoo dhaafay, danjiraha Liibiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Ibrahim Dabbashi ayaa sheegay in dalkiisu uusan aqbali dooni qorshaha Yurub ee ah in awood loo adeegsado kooxaha wax tahriibiya.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay, ilaa 60 kun oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan socda ee 2015 gaaray Qaaradda Yurub.

Muhaajiriintan ayaa qaaradda Yurub ka galay jihada dalalka Taliyaaniga (Italy) iyo Greece (Gariigga), waxaana labadan dal isku dayayaan iney xakameeyaan dadka socotada ah, balse weli wey kari la’yihiin. 

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.