XOG:-Daacish-ta Soomaaliya oo laba garab u kala jabtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XOG:-Daacish-ta Soomaaliya oo laba garab u kala jabtay

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa dagaal-yahanada Daacish ay ka taagan tahay buuraleyda Cal Miskaad ee gobolkaasi, ka dib dagaal Axadii ku dhexmaray halkaasi.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in saddex nin oo Daacish ka tirsanaa ay ku dhinteen dagaalkii dhacay, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Xiisadda ka taagan Cal Miskaad ayaa salka ku haysa cidda bedelaysa hoggaamiyaha kooxda, Cabdulqaadir Muumin Cali oo la il-daran xanuunka sokorowga/macaanka.

Dadka ku nool deegaanka Dhaadaar ee Degmada Qandala ayaa ku sheegaya in xiisadaasi u dhaxeysa Daacish laga dareemay tuulooyinka ku dhow dhow.

Daacishta Somaliya oo ah garab ka jabay Ururka Al Shabaab ayaa  bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Gobolka Bari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.