Cumar C/rashiid oo ku hor fadeexoobay Beesha Caalamka iyo Dukumiinti been abuur ah oo lagu helay… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Cumar C/rashiid oo ku hor fadeexoobay Beesha Caalamka iyo Dukumiinti been abuur ah oo lagu helay…

War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid uu la kulmay Fadeexad aad u weyn kadib markii dukumiintiyo been abuur ah oo laga sameeyay Madaxweynaha dalka uu u gudbiyay Wakiilada Beesha Caalamka.

Dukumiintiga been abuurka ah ee uu gudbiyay Cumar C/rashiid ayaa waxaa laga sameeyay in Madaxweyne Xasan uu Musuqay lacag dhan 16 Milyan oo dhawaan loogu deeqay Dowalada.

 

Dukumiintiga loo gudbiyay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu qeexay in Madaxweyne Xasan uu dhaqaalahaasi u adeegsanaayo Doorashada Madaxweyninimo ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

 

Dukumiintiga laga sameeyay Xasan Sheekh oo loo kala qeybiyay Wakiilada ayaa waxaa la xaqiijiyay in baaritaan kadib la ogaaday in dukumiintigaasi uu yahay mid been abuur ah oo lagu soo sameeyay magaalada Garoowe.

 

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa dukumiintigaasi ku qarinaayay tuhun la xiriira lacago leysdaba mariyay waxaana iminka socda baaritaan cusub oo lagu hayo Ra’isul wasaaraha qudhiisa.

 

Dhinaca kale, Beesha Caalamka ayaa baaritaanka ku ogaatay qaababka loo isticmaalay lacagta been abuurka ah ee laga sameeyay Xasan Sheekh

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!