XOG: Axmed Madoobe & Saciid Deni oo ku kulmaya Garoowe

Read Time:39 Second

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa in Maalinta berito ah uu safar ku tago Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,kadib dib u doorashadiisii.

Dadku dhow dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in laba arrimood uu Axmed Madoobe u tagayo Puntland,kuwaas oo kala ah doorashada soo socota iyo khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa Garoowe kula kulmi doona Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,iyaga oo ka wada hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka iyo xilliga kala guurka  ah ee Arrimaha siyaasada & khilaafka dowladda iyo Maamulka Jubbaland.

Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa bilihii la soo dhaafay xirirkooda waxa uu ahaa mid wanaagsan,iyada oo Madaxweynaha Puntland uu siweyn uga qeyb qaatay xafladii Caleema saarka Axmed Madoobe,kadib markii ay qaadacday dowladda Soomaaliya

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %