Mareeg Media
Somalia

XOG:- Arin ka fashilntay Vila Somalia iyo Sargaal ka tirsan Nabdsugida oo lagu dhex arkay gudiga doorashoyinka BF

Nin katirsan nabad sugidda Soomaaliya ayaa loo diray wadanka Jabuuti waxaana lagu dhex qariyey diyaarad siday guddiga wax ka badalka ugu dambeeya ku sameynayey sharciga doorashooyinka si uu u dhageysto xogta saxda ah ee shirkaas iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda aragtida Madaxweyne Maxaned Cabdullaahi Fafmaajo ee sida uu u rabo doorashada dhici doonta daba yaaqada sanadka 2020 ka.

 

Guddiga jabuuti markii uu ka billaabay kulamadiisii waxaa lagu dhex arkay sarkaal sare oo katirsan nabad sugidda, markaas wixii ka dambeeyey shaki ayaa galay xildhibaanada la dhex fariisiyey ninkan NISA katirsan.

 

Dagaalkii ugu horreeyey ee ka dhex qarxa Madxweyne Farmaajo iyo guddiga doorashada ee golaha shacabka halkaas ayuu ka billowday.

 

Ninkii katirsanaa NISA ayaa soo gudbiyey Liiska xildhibaanada diidan in madaxweynaha dad kooban doortaan iyo kuwa u riyaaqay.

 

Shalay ayuu Muqdisho ku soo laabtay Ninka NISA katirsan waxaana xilligaas wixii ka dambeeyey billowday guux weyn oo arrimaha doorashada la xiriira.

Madaxweyne farmaajo oo wax walba u sameeynaya sidii uu kusoo noqon lahaa ayaa markaan ku fashilmay in uu sirdoonka qaranka u adeegso gudiyada xildhibaanada dhexdooda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!