XOG:-Amaanka Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka oo lala wareegey iyo Saadaq John oo la xanibey

Read Time:57 Second

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Teliyaha Hogaanka Dabagalka NISA Cabdullahi dheere uu fashiliyey qorshe la sheegey in ay iska kaashanayeen Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Mucaaradka Dowladda kaas oo ahaa in baraalamaanka Soomaaliya laga hor istaago kulankoodii maanta ay ku yeelanayeen xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Taliyaha Dabagalka dejiyey shaxda lagu fashilyey Teliyhii hore Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir kadib markii uu ku dhawaaqey in uu is hor istaag ku sameeyey shaqadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Hogaanka Dabagalka oo lasheegey in uu horey ula socodey dhaq dhaqaaqyada sarkaalkan ayaa durba xiriir lasameeyey teliye kuxigeenkii ciidanka, hogaanka saadka ciidanka booliska gobolka iyo Teliyaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo markii horaba ka tirsanaa Saraakiisha qarsoon ee hoos yimaada Teliyaha Dabagalka arintaas ayaana fududeysey in awoodda ciidanka lagala wareego Saadaq John Teliyihii Hore.

Teliyaha Dabagalka ayaa durba codsadey in xilka laga qaado Saadaq John si aanu ubixin amar qaldan arintaas oo sababtey in xilka laga qaado Saadaq John .

Cabdullahi Dheere ayaa lasheegey in amar ku bxiyey in laga xanibo safarada waxaana lasheegey in Saadaq John loo diidey in visa loo saaro Baasaboor Jabuutiyaan ah oo uu watey.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.