XL: Ahmed Fiqi"40ka wasiir ee ismiidaamin siyaasadeedka Wada waala ogaaday nuuca baaburka Ay Isku qarxin rabaan iyo amiirkooda wana la Fashiliyay" — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

XL: Ahmed Fiqi”40ka wasiir ee ismiidaamin siyaasadeedka Wada waala ogaaday nuuca baaburka Ay Isku qarxin rabaan iyo amiirkooda wana la Fashiliyay”

muqdisho ( Mareeg news ) xildhibaan ahmed macalin fiqi ayaa si kulul uga waramay arinta mooshinma laga keenay prof jawaari waxuu ahmed fiqi bartiisa facebook ku qoray hadal ula falgaleen dadka isticmaala baraha bulshada

Ahmed fiqu “Weerarka xukuumaddu ku soo qaaday barlamaanka (golaha shacabka) oo sida la sheegayo mooshinkii dhicisoobay ee laga keenay guddoomiye Jawaari ay saxiixeen qiyaastii 40 wasiir oo xildhibaanno ka ah golaha shacabka oo intooda badan aan khayaarkooda ku saxiixin.

Fasiraad kale waa loo waayey, marka laga reebo inuu u eg yahay ismiidaamin wadareedka kooxaha argagixisadu ay ku qaadaan xarumaha waaweyn ee dalka, taasoo ku bilaabata isqarxin toos ah, ka dibna weerar kulul oo ay ugu danbeyn ku dhamaadaan dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday, ayagoo horey u sii galaafta dad aan waxba galabsan.

Waxaa  nasiib wanaag ah in la sii ogaaday xogta ku saabsan nooca baabuurka ay isticmaalayaan & taargadiisa, tirada kooxda weerarka gaysanaysa iyo amiirka hogaaminaya, balse sidii caadadu ahayd waxaa la adkeeyey ammaanka ayadoo la rajaynayo in uu fashil ku soo dhammaan doono ama la soo qab-qaban doono kooxdaas iyo amiirka ka hor weerarka inta aanay geysan, sharcigana la hor keeni doono.

#MAYA_ISMIIDAAMIN_SIYAASASEED#

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!