Xisbullaah: Daacish iyo Alqaacidda waa halis heysata aduunka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xisbullaah: Daacish iyo Alqaacidda waa halis heysata aduunka

Mareeg.com: Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa shiicada ee Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa sheegay in adduunyadu ay wajahayso khatar aan hore loo arag xagga taariikhda oo ka imaanaysa Daacish iyo ururrada ku xiran Al-Qaacidda.

Ururka Daacish ee haatan isugu yeera Khilaafada Islaamiga iyo ururro kale oo Al-Qaacida taageersan ayaa ka dagaallamaya dalka Suuriya iyo Ciraaq.

Isagoo khadka isgaarsiinta ee la iska arko kula hadlayey kumanaan taageerayaashiisa ah, ayuu Sheekh Nasrallah qiray markii ugu horreysay in Xisbullah ay ka dagaallamayaan dalka la deriska ah ee Suuriya.

Waxay ciidankiisa taageero siinayaan madaxweyne Bashar Al Asad, isagoo sii adkeeyey in Xisbullahi diyaar u tahay iney ka dagaallanto dhamaan dalka Suuriya.

Wadaadkan hogaamiya Xisbullah ayaa tilmaamay in dagaalka ay ciidankiisu ka wadaan gobolka Qalmuun ee dhaca soohdinta Suuriya iyo Lubnaan uu sii socon doono ilaa gobolkaas laga dhigo mid ammaan ah.

Nasrallah wuxuu weydiistay dadka dhaleeceeya ee ku sugan Lubnaan inay taageeraan faragelinta Xisbullah ee suuriya, isagoo u sheegay in taageeridda ay taageerayaan qolyaha ka hor jeeda Madaxweyne Assad aysan ka badbaadin doonin jihaad-doonayaasha.

Gobolka Qalmuun oo ah buurraley ayaa milateriga Suuriya oo taageero ka helaya Xisbullahi guulo ka gaaray dagaalka uu kula jiray Jabhadda ku xiran Alqaacidda ee Alnusrah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More