Mareeg Media
Somalia

Xisbiga Waddani ee Somaliland oo xaflad uu lahaa dowlada siilaanyo kala!!!

Wararka Hada naga soo gaaraya degmada Alaybaday ee ku soo dhacaya xafiiska warqabdka Wakaaladda Wararka mareeg.com ayaa sheegaya in ciidmadda booliska degmadaasi ee maamulka Somaliland ay goor dhow la wareegeen goob xisbiga mucaaradka wadani uu ku soo dhaweeynayey taageerayaal degmada Allabay ee ka soo digo rogta xisbiga kulmiye kuna soo biiray xisbiga mucaaradka Wadani.

Waftdi Culus oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka Wadani Cabdiraxamaan Cabdilaahi Cirro ayaa la filayaa in ay goor dhaw gaadhi doonaan degmada Allaybaday halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan munaasibada loo qabanayo taageerayaasha mugaleh ee ku soo biiraya wadani.

Sidoo kale jawiga Daegmada Allaybaday ayaa hadda la sheegayaa in uu aad u kacsanyahay islamarkaana dadweynaha oo kacsani ay tubanyihii dariiqyada iyaga oo uu Gidaar walba Ka Ba’banayo Calanka Astaanta U ah xisbiga mucaaraka ee wadani iyada oo ay dadweynuhu isku diyaariyeen soo dhaweynta wafti xisbiga wadani ee ku sii jeeda magaalaaasi Allaybaday .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!