Qoraal kasoo baxay Xisbigaas oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ee Wadajir ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu Dowladda federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahay ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madax banaanida intaba.

Dhinaca kale Xisbiga Wadajir ayaa dowladda Kenya ka dalbaday inay adkeyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,sidoo kalena  ay ilaaliso deris wanaaga ka dhaxeeya.

Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen inay dhankeeda wadatashi geliso arrimaha ku saabsan masiirka Ummadda Soomaaliyeed si mowqifka la wada qaato uu u noqdo mid kalsooni gelin kara Shacabka Soomaaliyeed.