Mareeg Media
Somalia

Xisbiga Sheekh Shariif oo sameeyay fal ay ku eedeyn jireen madaxda dowladda

Xisbiga Himilo Qaran oo qayb ka ah Madasha Xisbiyada KMG ah ee Soomaaliya waxay dhowr jeer masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen in ay caburiyaan shaqadana ka eryaan masuuliyiinta la shaqeeya ee ka aragti duwan iyo shaqaalaha dowladda.

Hadalkaan waxaa dhowr jeer sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud laakiin shalay waxaa talaabo nuucaas ah qaaday Xisbiga Himilo Qaran.

Guddiga Fulinta ee Xisbiga Himilo Qaran ayaa kulan ay Shalay muqdisho ku yeesheen ay Xubinimadii Xisbiga uga saareen Xildhibaan Cabdixakiin Macalim Axmed oo sidoo kale ahaa xoghayaha guud ee Xisbiga.

Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ka aragti duwanyahay Xisbiga kadib markii uu sheegay in aysan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM aheyn imaanin Dhuusamareeb oo ah degaan doorashadiisa.

Himilo Qaran ayaa hore dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ciidan Itoobiyaan ah oo aan qayb ka aheyn geysay Dhuusamareeb.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!