Xisbiga Midnimo Qaran oo talooyin usoo jeediyey RW cusub ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xisbiga Midnimo Qaran oo talooyin usoo jeediyey RW cusub ee Soomaaliya

Mareeg.com: Xisbiga Midnimo Qaran ee uu hogaamiyo Dr. C/raxmaan Macalin C/llaahi “Baadiyow” ayaa soo dhaweeyey codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya maanta siiyey RW cusub, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Dr. Baadiyo ayaa talooyin dhowr ah usoo jeediyey RW Cumar C/rashiida, waxaana talooyinkaasi ahaayee sidan:-

1. Dhaqangelinta dastuurka kumeelgaarka ah oo kala qayaxaya awoodaha Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Garsoorka iyo Madaxweynaha anaga oo u aragna in Xad-gudub kasta oo lagu sameeyo awoodaha dastuurka horseedi karo khilaaf soo cusboonaada iyo isqabqabsi aan laheyn dhamaad.

2. Dhismaha xukuumad loo dhanyahay oo aay kawada qeyb galaan dhamaan dhinacyadii isku khilaafay mooshinkii laga keenay Ra’isulwasaare hore Cabdiweli Sheikh axmed .

3. Mudnaanta koobaad in lasiiyo la dagaalanka musuqmaasuqa, ninjecleysiga, laaluush siyaasadeedka baahay, kuwaas oo dhamaantood khatar ku ah nolasha iyo jiritaanka dawladnimada Soomaaliya.

4. Dedejinta in la qaado talaabooyin cad-cad oo lagu hirgelinayo Hiigsiga 2016, si loogu gudbo dawlad dimoqaraadi ah oo haysata taageerada dadweynaha, awoodna u leh dib- u dhiska ha’yadaha qaranka iyo ilaalinta karaamada iyo sharafka umadda.

5. Xoojinta wada shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka si loo hello kalsooni wada-shaqeyneed oo joogta ah, taasoo yareynkarta soo noqoshada khilaaf ragaadiya habsami usocodka howlaha xukuumadda

6- Ugu danbeyntii, waxaan u rajeyneynaa Ra’isulwasaaraha guul, waxaana Ilaah uga baryeeynaa inuu waafajiyo wixii ummada kheyr u ah, kuna toosiyo waddda saxda ah, dadkeyna gaarsiineysa nabad, midnimo iyo barwaaqo.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!