Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Oo Markale Codsaday In AMSIOM Ka Guurto Stadium Muqdisho

Muqdisho, Mareeg.com: Xiriirka kubadda cagta dalka ayaa mar kale codsi u jeediyey Madaxda DFS iyo Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM, iyagoo ka dalbadey inay faarujiyaan tuuladii ciyaaraha dalka ee Stadium Muqdisho si looga faa’ideeyo dhalaanka Soomaaliyeed isla markaana loogu qabto tartamada kala duwan ee xiriirada dalka.

C/qani Saciid Cara boo ah xoghayaha Xiriirka kubadda cagta, kana tirsan madaxda ururka Cecafa ayaa daaha ka rogey inay si weyn uga xun yihiin in leyska dhega tirey dhowr codsiyo oo ay u gudbiyeen Amisom iyagoo ka dalbanaya inay ka guuraan Stadium Muqdisho, maadaama aysan halkaasi ahayn goob ciidan ee ay tahay Tuulo Sport oo ay ku yaalaan ka badan 6 garoon oo lagu ciyaaro noocyada kala duwan ee tartamada.

“Inagu xoog ma isticmaalno hadii aynu nahay bahda Sportiga ee codsiyo iyo qoraalo ayeynu gaarsiiney madaxda DFS iyo Amisom weliba waxaan la kulanay Collenelka taliyaha ka ah, ciidamada degan garoonka wuxuu naga balan qaadey in bishii December ay ka baxayaan ma dhicin, weynu ku laabanay mar kale, waxayna nagu yiraahdeen ugu dambeyntii halkaan waxaa nagu ogg dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Carab.

Waxaa uu ka sheekeeyey Tuuladaasi ciyaaraha dalka ee Stadium Muqdisho oo uu xusey in la dhisey 1978-kii markii uu yaraaday garoonka isaga ka horeeyey ee Banaadir, iyadoo halkaasi ay ka faaideysanayaan dhamaan xiriirada kala duwan sida Kubadda Cagta, Kubadda Koleyga,Teniska-dheer, Dabaasha iyo qaar kale oo badan.

“Bulshada Soomaaliyeed aad ayey u jecelyihiin ciyaaraha, waxaana xusid mudan in sanadkii 1995-iyadoo aysan jirin Dowladda iyo dayactir in Garoonka Stadium Muqdisho aynu ku qabanay tartankii Iftiinka Nabadda oo dadweynihii usoo daawasho tegey ay buux dhaafiyeen oo la waayey meel laga fariisto, taasina waxay muujineysaa sida shacabku ugu heelan yahay Sportiga, xiligaan aad ayeyba uga daran tahay oo waad ogtihiin in Stadium Banaadir uu qaadi waayey taageerayaashii” ayuu raaciyey.

Xoghayaha ayaa ugu dambeyntii waxaa uu fariin u direy Dowladda Federaalka isagoo sheegay iney muhiim tahay in la tixgeliyo bahda ciyaaraha jecel ee dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed looga faa’ideyn lahaa dowladuna ay ka jawaabto diidmada Amisom ee ah inay ka guuraan Stadium Muqdisho.

Dalabka Masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta ayaa imaanaya xili dib u dayactir ay gacan ka geeysatay FIFA lagu sameeyey Garoonka ugu horeeyey dalka ee Banaadir Stadium, halkaasi oo iminka uu ka socdo horyaalka heerka 1-aad ee dalka isla markaana ay u daawasho tagaan kumanaan ruux oo jecel ciyaarta Kubadda cagta oo la filayo inay isbedel weeyn sameyso.

C/Xafiid C/samad Zaciimka