Ximan & Xeeb oo horjoogsatay ciidamo Itoobiyaan ah

Read Time:39 Second

Mareeg.com: Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa waxa uu maanta ka horyimid in Ciidamada Itoobiya ee Amisom ka tirsan ay galaan degmada Cadaado, halkaaso shalay madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in 11-ka bishaan uu ka furmayo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb oo meel ku dhow deegaanka Mareergur fariisimo ku leh, ayaa waxay is hortaag ku sameeyen Ciidamada Dowladda Itoobiya oo ka soo dhaqaaqay Dhuusamareeb.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in Ximan iyo Xeeb ay ogoshahay Ciidamada kale ee Amisom, in deegaanadeeda la keeno, laakiin aynaan marnaba ogolayn in la keeno Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Ahlusuna Waljamaaca ayaa dhankooda horay degmada Matabaan ugu horjoogsaday ciidamo ka socday Jabuuti, kuwaasoo doonayey iney gaaraan Cadaado si ay u sugaan amaanka Shirka maamul sameynta.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %