Mareeg.com: Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inuu Cadaado ka diyaariyay goob uu ugu talagalay in lagu qabto shirka maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Madaxweynaha maamulka, Cabdullaahi Cali Maxamed (Baar-leex) oo warbaahinta kula hadlay Cadaado ayaa sheegay inay diyaariyeen gabi ahaanba adeegyada ay u baahan yihiin ergooyinka ka qaybgalaya shirka.
Baar-leex ayaa ka dalbaday dadweynaha gobollada Mudug iyo Galgaduud inay u midoobaan sidii ay u dhisan lahaayeen maamul ka saari kara dhibaatooyinka taagan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u shaaciyay in shirka lagu qabanayo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb oo kamid ah degmooyinka gobolka Galgaduud.
Comments are closed.