Muqdisho, Mareeg.com: Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay sababta shalay xubno gaaraya 168 oo ka tirsan baalamaanka Soomaaliya ay gudoonka ugu dgubiyeen mooshin ka dhan R/wasaare Saacid iyo xukuumadiisa.
Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in sababta mooshin looga gudbiyey R/wasaare Saacid tahay iyadoo xukuumadiisu ku fashilnatay qabashada howlihii laga rabay.
Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeysay iney wadashaqeyn fiican la yeelan weysay baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana fulin weysay go’aanno baalamaanku gaaray sida ay tiri.
“Sababta aan mooshinka usoo gudbinay waxaa weeye in xukuumaddu la shaqeyn weyday baarlamaanka, waxaa muuqata in xukuumada hal shey ay wax ka qaban weysay, go’aano badna oo baarlamaanka gaareen ayay fulin weysay” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.
Xldhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in haddii xukuumaddu weyso kalsoonida baarlamaanka ay meesha ka bixi doonto, islamarkaana madaxweyne Xasan soo magacaabi doono R/wasaare cusub.
Waxey sheegtay Khadiijo Maxamed Diiriye in Xukuumada ay lix bilood ka hor ay mooshin ka soo gudbiyeen, balse ay ka laabteen si dib wax loogus saxo, hase ahaatee xilligan Baarlamaanka iyo Xukuumada ay wada shaqeyn waayeen.
Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyey xeer dhigaya inaan laga laaban Karin mooshin laga keenay xukuumaadda, taasoo hadda muujineysa iney lagama maarmaan tahay in lagu kala baxao baarlamaanka hortiisa, maadaama 168 xildhibaan gudoonka baarlamaanka shalay oo khamiis ah u gudbiyeen mooshin ka dhan R/wasaare Saacid.
Maalinta berri ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Soomaaliya la horgeeyo mooshinka ay soo gubiyeen xildhibaanada, islamarkaana ay bilaabato dooda Baarlamaanka Soomaaliya ee la xiriirta arrinta mooshinkaas.
Mareeg.com