Xildhibaano taageersan shirka saddexda gobol oo maanta tegay Baydhabo
Baydhabo – Mareeg.com: Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin taageersan shirka ka socda Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu dhiso saddex gobol ayaa manta gaaray Baydhabo.
Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay 8, uuna hogaaminayo xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Rag siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ayaa xildhibaannada ku wehliyay safarka ay ku tageen magaalada Baydhabo.
Dhowaan ayaa lagu wadaa in la soo gunaanado shirka maamul u sameynta saddexda gobol. Shir kale oo la doonayo in maamul loogu dhiso lix gobol ayaa isna ka socda magaalada Baydhabo.
Mareeg.com
Comments are closed.