Xildhibaano Sheegay In Siyaasiyiin Ka Tegay Muqdisho Qalalaaso Ka Wadaan Deegaanada Galmudug

Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed oo sababtay in xildhibaano ku shirey Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadaan Guddooomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hayeeshee Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Siyaasiyiin ka tegay Magalada Muqdisho ay qalalaaso siyaasadeed ka wadaan deegaanada Galmudug.

Mid ka mid ah xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Dalsan ayaa waxa uu sheegay in markii hore Siyaayiin soo gaaray deegaanada Galmudug ay u sheegeen inay yihiin xal raadis balse markii dambe ay bilaabeen inay sii ballaariyaan khilaafkii jiray.


Mareeg senior news editor since 2001 and he can be reached at news@mareeg.com