
17 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyay Mooshin ka dhan ah Ajandihii lagu waday in maanta looga hadlaayo kulankii Golaha Shacabka ee baaqday.
Xildhibaanadda ayaa dalbaday in kulanka looga hadlo Xaaladda Ammaanka ee dalka ee sii xumaaneysa, islamarkaana loo baahan yahay in dib loo dhiggo ka hadlidda Arrimaha dastuurka.
Waxaa uu sheegeen in loo baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay muujiyaan matalaad rasmi ah oo aysan ka aamusin Xasuuqa ku socda Shacabka kunool Magaalada Muqdisho.
Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay faraha ka baxay, waxaana ka dhacaayay dilal iyo Qaraxyo joogto ah.