Mareeg Media
Somalia

Xildhibaano Kulan deg deg ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi goordhow uu Shir uga Furmay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku sugan Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug waxa ay uga doodayan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey.

Waxaa Xarunta Shirka uu ka socdo ku sugan inta badan Xildhibaanada Galmudug,kuwaasi oo ka doodaya Mooshinka Carabey.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug  Maxamed Cabdi Xaanshi Carabey ayaa ku sugan Magaalada Cadaado,halkaasi uu isna kawado kulamo kale oo looga soo horjeedo Mooshinkaas.

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhexjira madaxda ugu Sareeysa maamulka Galmudug oo uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!