Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG u ah maamul Galmudug ayaa waxa ay shegayaan in maanta halkaasi ay gareen Wafdi isku jira Xildhibaanada Labada Gole ee dowlada Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in halkaas ay u tageen in ay dajiyaan Xiisada ka dhex jirta madaxda maamulka Galmudug.

Bixitaan Xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo ifbaxday maalintii shalay oo kaliya waxana la tilmaamay in Xildhibanada ay dhammaan ka soo jedaan Deegaanada Galmudug islamarkaana ay donayaan in ay Xaliyaan arintaas.

Wafdiga ayaa markii ay ka dageen Garoonka Magaalada Cadaado ayaa waxa soo dhaweeeyay Xildhibano ka tirsan maamulka Galmudug iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug waxana loo galbiyay Xarunta maamulka Galmudug.

Dhanka kale waxa la sheegayaa in ay kulamo la qadan donaan madaxda Galmudug waxana ay arintaan ku soo adeeysa Xili Xildhibaanada maamulka Galmudug ay shegeen in Codkii kalsoonida ay kala noqdeen Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyadoo War ka soo baxay Hogaamiyaha uu ku sheegay in waxba aysan ka jirin arintaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!