Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka Madaxweynaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo sharci darro ku tilmaamay Mooshinka Madaxweynaha

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Mustaf Muqtaar Guudoow oo ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaaliya ayaa shir jaraa’id oo maanta si wadajir ah ay ugu qabteen Magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Mudanayaasha Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha dalka inay ka laabtaan,iyagoo sharci daro ku tilmaamay Mooshinkaasi.

Xilhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ugu horeyn Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inaan loo baahnyen xasilooni darro siyaasadeed oo xiligan dalka la galiyo, iyo in la niyadjabiyo Beesha Caalamka oo markasta taageerta Dowladda Somaaliya sidaasi darteedna waxay ku talisay in Baarlamanka ay gutaan shaqooyinka kale ee u yaala waqtiga uga harsan Xiritaanka Kalfadhiga lixaad.

“Waxaan rabnaa si xasillooni ku jirto oo qalqal siyaasadeed dalka iyo dadka aan la galinin Beesha Caalamkana aan lagu murjuin waxyaabaha ay naga caawineyso in iyada xitaa markasta loogu baaqo, waxaan munsaab aheyn waxaan leenahay kuligeen macal gudoonkeena iyo inta miirka noosoo wada noqdo arintan sharcidarada aan ku tilmaamnay waan qabnaa waana la taaganahay waqti munsaab ahna ma aysan imaanin sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in lagu dhiirado in la cadeeyo inaysna sharci aheyn waxaan gudaneynaa wixii kale ee noo yaala intaan ka gaarno”Sidaasi waxaa tiri Xiliban Khadiija Maxamed Diiriye.

Sidoo kale Xildhibaan Mustaf Muqtaar Guudow oo isna saxaafadda la hadlay ayaa soo hadal qaaday Warqad dhawaan kasoo baxday Xafiiska Guddoonka Baarlamanka oo aheyd inay Wadaxaajood galaan Golaha shacabka iyo Xukuumadda, wuxuuna xusay inuusan jirin khilaaf kala dhexeeya Xukuumadda oo keenaya inay labada dhinac wadahadlaan.

“Mooshinkani sharci waaye cidii dhahda ayadaa lagaa rabaa inay Baarlamanka horkeenaan kana dhaadhiciyaan guddiga laakin anagu waxaan leenahay mooshinkan sharci maaha waxaan cadeyneynaa anaga iyo xukuumadda wax wadahadal ah oo aan galeyno majirto wax naga dhexeeyaba malaha ugu dambeyn shacabka Somaaliyeed inay isdajiyaan waxaa kaloo aan usoo jeedineynaa gari laba nin kama wada qosliso waxaa laga rabaa inay kala caddeeyana arinta mooshinkaan”

Arrinta mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqotay mid saameyn ku yeelata siyaasada dalka iyadoo ay socdaan dadaalo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa arrinta mooshinka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!