Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo gaaray magaalada Beledweyn

Read Time:48 Second

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo Xildhibaanadan u kuur galayaan xaalada Gobolka.

Xildhibaanadan ayaa kulamo la qaatay bulshada ku dhaqan Beledweyn iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol oo ay kala hadleen arrimaha amniga iyo sidii gar gaar bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhowaan laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen inay booqan doonaan deegaanadii u dambeeyay ee Al-Shabaab laga xoreeyay.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada gaaray Beledweyn ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan ay tahay nabad, isla markaana ay rajeynayaan in gogosha maamul u sameynta dhowaan lagu qabto.

Mr Jeesow ayaa ugu baaqay wasaaradda Arrimaha Gudaha in sida ugu dhaqsiyaha badan gar gaar u soo gaarsiiyaan deegaanadii Al-Shabaab laga saaray.

Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Somalia, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, ayay ciidamada Dowladda ka saareen Shabaab, waxaana deeganadaasi dadka ku nool saameeyay dagaalada.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.