Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Galabta La Weeraray

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayan in galabta halkaasi lagu weeraray Gaari ay la socdeen labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Xili ay marayeen Bartamaha Magaalada Jowhar.

Gaari nuuca raaxada ah oo ay la socden labada Xildhibaan ayaa waxaa la sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada dowlada ee ku sugnaa Bartamaha Jowhar uu Rasaas ku furay Gaariga.

Xildhibaanada galabta lagu weeraray Bartamaha Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Faarax Maxamed Cismaan (Gacaney) iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Colow.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dhaawac fudud uu soo gaaray Xildhibaan Faarax Maxamed halka mid kale uu ka badbaaday weerarka.

Ciidamada amaanka Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Askarigii Rasaasta ku furay Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle isla markaana Xabsiga dhigay.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay weerarkii galabta ka dhacay Bartamaha Magaalada Jowhar.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia