Xildhibaano Ka Laabtay Mooshinkii Ay Ka Keeneen Gudoomiyahooda + Dhageyso
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo dhawaan Mooshin ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayaa dib ula laabtay mooshinkii ay ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Bare Maxamed ka dib markii uu Khilaaf xoogan soo kala dhex galay.
Arintaan ayaa timid ka dib markii xalay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle ay kulan ku qaateen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi.
Xildhibaanadii xalay la kulmay Cali Guudlaawe ayaa waxa ay sheegeen in ay garawsadeen dhibaatooyinka guud ee heesta dadka ku nool Degmooyinka iyo Deegaanada uu ka kooban yahay maamulka Hirshabeelle ayna joojiyeen Mooshinkii ay ka keeneen Gudoomiye Sheekh Cismaan Barre Maxamed.
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Caddow ayaa warbaahinta u Akhriyay Go’aanka ay Mooshinka uga laabteen Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Hoos ka dhageyso Codka.
Comments are closed.