Xildhibaano goordhow Mooshin ka gudbiyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug

Read Time:40 Second

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku Shiray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxa ay Mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa gaaraya ilaa iyo 97 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay Magaalada Cadaado oo shalay uu gaaray halkaasi,waxaana sidoo kale shalay Cadaado gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen.

Waxaa hada Magaalada Cadaado ka socdo kulamo gooni gooni ah oo ay wadaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug,kuwaasi oo looga hadlayo xiisada Siyaasadeed ee ka dhexjirta Madaxda ugu Sareeysa maamulka Galmudug.

La soco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %