Xildhibaano cusub oo Maanta ku biiray Baarlamaanka Maamulka Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaano cusub oo Maanta ku biiray Baarlamaanka Maamulka Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulankii 25-aad ee kal fadhigiisa 47-aad ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, waxaana shir guddoomiyey Guddoomiye C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Ajendaha kulan Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa dhaalinta xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo horey Madaxweyne Saciid deni u gudbiyey.

Sida uu qabo Dastuurka Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, waxaa Golaha Wakiillada lagu hor dheeriyey 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannada.

Magacyada Xildhibaannada cusub ayaa kala ah;

1- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)

2- Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax

3- Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase

4- Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac

5- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)

6- Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)

7- Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse

8- Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa gudo galay inay qodob-qodob uga doodaan Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha kaas oo ka kooban 36 Qodob.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More